Garyaqaan Guuleed Dafac Oo Ka Hadlay Caqabada Ka Iman Kara Go’aanka Wasaarada Warfaafinta

Hargeysa, (HCTV) – Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac (Guuleed Dafac) ayaa ka hadlay caqabadaha uu Madaxbanaanida warbaahinta Somaliland ku keeni karo Amar ama go’aan ka soo baxay Wasaarada Warfaafinta Somaliland oo Telefishanada dalka ku amartay inay Wararka Somaliland soo horaysiiso kuwa Somalia-na ay ku daraan wararka dibada.

Garyaqaan Dafac ayaa tilmaamay in sida loo kala horaysiinayo wararka uu ka hadlay xeerka Saxaafada Somaliland oo uu iska leeyahay Tifaftiraha hay’addaasi warbaahineed, wixii arintaa ka soo gudbana ay noqonayso faragalin lagu sameeyey madaxbanaanida Warbaahinta.

Sidoo kale Guuleed Axmed Jaamac waxa uu sheegay in go’aankani uu hoos u dhigi karo tartankii Warbaahinta Somaliland ay kula jirtay Warbaahinta kale ee Geeska Afrika, oo ay keeni doonto in dadka Soomaalida ee ku nool dalalka kale aanay eeginba Warbaahinta Somaliland ee Wararkooda oo kaliya baahiniya.

Guuleed Dafac, waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu u waramayey Telefishanka Caalamiga ah ee HCTV, isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi Garyaqaanku “Xeerka Saxaafada Somaliland marka uu ka hadlayo qaabka loo gudbinayo wararka iyo barnaamijyada waxa uu awood buuxda siinayaa Tifaftiraha inuu leeyahay awooda qaabka uu u kala horaysiinayo wararkiisa, markaa cid kale oo awood u leh inay go’aamiso ama ay faragaliso go’aanka Tifaftire-nimeed (editorial decisions-ka) ma jirto, waxa iska leh Tifaftirka, wixii taa ka soo gudba waxay noqonaysaa faragalin in la faragalinayo warbaahinta madaxabanaan shaqadoodii ay qabsanayeen.

Madaxbanaanida u weyn ee warbaahini heli kartaa waa shaqada Tifaftirenimo oo ah inay iyagu ka go’aan gaadhaan siday u kala horaysiinayaan, iyaga oo ku go’aan gaadhaya qiimaynta wararkaasi ay kala leeyihiin, taasi waa caqabada koowaad ee ay yeelaynayso.

Caqabada labaad ee ay keeni doontaana waxa ay tahay inay dhib badan ku keeni doonto Warbaahinta Somaliland meeqaamka ama tartanka ay ku leeyihiin Geeska Afrika, waayo hadii lagu soo koobo inay Somaliland oo kaliya wararkooda ay soo horaysiiyaan waxay keenaysaa in dadka Soomaalida ee Somaliland ay ku jirto aanay eegin ama aanay daawan Telefishanada Somaliland oo ay eegaan Telefishanada Somalia oo iyagu wararka labada dhinacba ka soo diraya, markaa tartankii ay ku jireen warbaahinta Somaliland-na hoos ayay u dhigaysaa oo khatar ayay galinaysaa.

Ta saddexaadna waxay ka soo horjeedaa dabeecada Warbaahinta, dabeecada warbaahintu wararka u gudbisaana waxa weeyi qiimaha wararka ay soo gudbinayaan ayay markaasi ku xidhan tahay, Matalan waxa laga yaabaa warbaahinta adduunka war ka dhacay Xamar inuu Lambarka koowaad u yahay, ama war ka dhacay Maraykanka inuu warka koowaad u yahay, markaa waxay ku xidhan tahay nooca warku uu yahay. Hadii lagu soo koobo war waxay noqonaysaa qaab faaf-reeb ama censorship oo laga xadidayo waxaanay sheegay iyo waxay sheegi doonaan.

Arinta kalena waxa weeyaan Shaqada Wasaarada Warfaafintu, Wasaarada Warfaafintu Tifaftiraha Guud ee Warbaahinta Somaliland maaha, waxay u xilsaaran tahay inay horumariso oo ay kobciso Warbaahinta Xitaa waxaanay xaq u lahayn warbaahinta Dawladda ee ay ka midka yihiin Idaacada iyo Telefishanka inay u sheegto qaabka ay u waramayaan,” ayuu yidhi Garyaqaan Guuleed Axmed Dafac oo u waramayey Telefishanka HCTV.

https://www.youtube.com/watch?v=YGCdUJrLdDo&t=13s

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.