Gudoomiyaha SOLJA Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Amar Ka Soo Baxay Wasaarada Warfaafinta

Hargeysa, (HCTV) – Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa ka hadlay kulan ay yeesheen Telefishanada Somaliland iyo Wasaarada Warfaafinta Somaliland, kaas oo go’aan ay ka soo saartay Wasaaradu ay ku amartay telefishanada dalku inay wararka Somaliland ay horaysiiyaan kuwa Somalia-na marka ay sheegayaan ay ku daraan wararka dibada.

Gudoomiyaha Ururka Saxaafada Somaliland, Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay jirto arin caalamiya oo ah in wararku iyagu ay is fasiraan ama wararku ay muhiimada kala leeyihiin oo ay ku xidhan tahay hadba dhacdada dhacday inta ay leegtahay, isla markaana ay go’aankaasi xukuumada ay u arkaan mid sharci daro ah.

Gudoomiye Xuuto oo arimahaasi ka hadlayaana waxa uu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Amarka dawladdu soo saartay mar dambe ayaa nalagu soo wargaliyey oo qolooyin warbaahinta ka tirsan ayaa noo soo sheegay, anagu kamaanaan mid ahayn kolay oo arinta warbaahinta ee mushkiladaha keenaya ee ugu badan waxa ka mid ah in ururkii Saxaafada matalayey aanay mar walba xaaladii ama saaxadii saxaafada iyo dawladdu ay ku wadahadlayeen aanay dawladu ku soo casuumin ama marka horeba aanay kala hadal.

Waxaanu u aragnaa runtii waxa sharciga ka horimanaya, maadaama oo dalku xeer leeyahay oo sharci leeyahay in wixii ka hor imanaya uu mar walba ururka uun ku soo noqonayo, haday dawladda tahay iyo haday warbaahinta tahayba, markaa waxaanu u aragnaa wixii gaf ku ah xeerka ee ka hor imanaya ee barito cawaaqib xumo ku keenaya saxaafada iyo madaxbanaanideeda in ay tahay arin aan loo baahnayn oo qalad ah oo runtii ah in laga joogsado.

Waxa jirta oo caalamiya (standard) ah wararku iyagaa is fasira ama wararku iyagaa muhiimada kala leh, Markaa maadaama oo ay ku xidhan tahay kolba dhacdada dhacday miisaanka ay leedahay. Telefishanada dalka ka shaqeeyaana runtii aanu ognahay maanta inay heer caalami u shaqeeyaan oo ay ku jiraan satellite-ka oo dunida meelo kala duwan laga daawado, hadii la yidhaahdo kuwa localka soo kala hormariya mid ay isla waafaqaan hadii ay ahaan lahayd waxbay ahaan lahayd, markaa maadaama oo maanta aynu ognahay telefishanada inay satellite-ka ku tartamaan oo dunida daafaheeda ka waramaan, waxa muhiim ah wararka iyo dhacdooyinku siday u kala muhiimsan yihiin ay u kala xushaan, xeerka saxaafaduna waxa uu odhanayaa faaf-reeb (censorship) ma ogola, waxay u muuqataa arintaasi inay saamayn ku yeelanayso, hadii bari ka maalin ay war muhiim ah ay sii daayaan, loogu ciqaabo war local ahaa inay ka horaysiiyeen dhibteeda ayay keenaysaa, markaa waxaanu u aragnaa in aanay sharci ahayn.” Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.