Ciraaq: 31 Shiico Ah Oo Geeriyooday Iyo 100 Ku Dhaawacmay Karbala

Ciraaq (HCTV) – Ugu Yaraan 31 Qof oo ka mid ah Boqollaal Dadka shiicada ah oo ku sugnaa Xus Diimeed ay sannad kasta ku sameeyaan Magaalada Karbala ee Dalka Ciraaq ayaa Geeriyooday, halka 100 kalena dhaawacmeen.

Dhimashada iyo dhaawaca ayaa ka dhacday Magaalada Karbala oo qiyaastii 100KM dhinaca koonfureed ka xigta Caasimadda Ciraaq ee Baqdaad, sida uu sheegay Saif al-Badr oo ah Afhayeen u hadlay Wasiirka Caafimaadka ee Ciraaq.

Afhayeenku wuxuu sheegay oo uu ka dardaar-weriyey in dhimashada Dadku intaa ka sii badato, maaddaama oo Dadka dhaawacmay ay u badan yihiin.

Waxay noqonaysaa Dhimashadii ugu badnayd ee ka dhacda xus diimeedka ay Bisha Cashuura ay Ciraaaq ku sameeyaan Bulshada Shiicadu.

Dhimashada iyo dhaawaca ayaa yimid, ka dib qayb ka mid ah jid Dadka Cibaadaysanaya ee Shiicadu maraan ay duntay, taasina waxay abuurtay Argagax iyo Cabsi keentay in Dadku is jiidho.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka