Dowladda Soomaaliya Oo Beenisay In Al-Shabaab Joojiyeen Dhismaha Garoonka Stadium Muqdisho

Muqdisho, (HCTVL) – Dawladda Soomaaliya ayaa beenisay wararka sheegaya in Al-Shabaab ay joojiyeen dhismaah iyo Dayactirka garoonka Ciyaaraha Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho ee degmada Warta-Nabada Gobolkan Banaadir.

Garoonka Stadium Muqdisho waxa booqday Raysal  Wasaare ku xigeenka Somalia Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ay wehlinayeen  Wasiirka Dhalinyarada iyo cayaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye, wasiirka  Warfaafinta Maareeye  iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish  iyo ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maxamed Cabdullaahi Tuulax.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa  sheegay in howshii Dhismaha  iyo Dayactirka ee stadium muqdisho ay si  caadi ah u socdaan,isla markaana ay been abuur tahay in Al-shabaab  joojiyaan,waxana uu sheegay inaysan jirin cid joojin karta.

Warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo dadka ayuu sheegay in ay uga  digayaan baahinta wararka been abuurka ah,waxaana uu sheegay in sidoo  kale ay baaritaano ku sameyn doonaan shirkadda heysata qandaraaska  dhismaha, islamarkaana ay wax ka weeydiin doonaan arrimhaasi.

Mas’uuliyiintaan oo mid mid u kormeeray qeybaha kala duwan ee Garoonka ayaa waxaa ay dhamaantood beeniyay Wararka sheegaya in Shabaab joojiyeen Dhismaha Garoonka,iyaga oo sheegay in warkaasi aan waxba ka jirin.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.