IRAN Oo Hadal Ka Soo Yeedhay Isreal Ku Sheegtay ‘Oohinta Yeyga’

HomeSomali News

IRAN Oo Hadal Ka Soo Yeedhay Isreal Ku Sheegtay ‘Oohinta Yeyga’

Ergaygii Hore Ee Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya Oo Tanzania Ku Geeriyooday
Tifaftiraha HCTV Xoriyadiisa Dib U Helay Kadib Laba Bilood Oo Uu Xidhnaa
Madaxweyne Biixi Oo La Sheegay Inuu Mar kale Isugu Yeedhayo Golaha Wakiillada
“Golaha Wakiillada, Kuraasta Awdal Haysato Waxa Ka Badan Inta Ay Haysato Beesha Bariga Burco…..” Gar-Yaqaan Mubaarik Aar
2 Qodob Oo Luq-matul Xajar Ku Noqday Xisbiyada Somaliland

Tehran (HCTV) – Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN ayaa eedayn culus u jeedisay Dawladda Isreal.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee IRAN Javad Zarif, ayaa Isreal ku eedeeyay inay dagaal raadinayso, ka dib markii Raysal-wasaaraha Isreal uu toddobaadkan sheegay inay IRAN leedahay goob sir ah oo ay ku kaydsato ama ku samaysato hubka Nuklear-ka.

Wasiir Javad Zarif ayaa sheegay in Isreal raadinayso Dagaal, isagoo hadalka Benjamin Netanyahu ku tilmaamay ‘Oohinta yeyga’

Xiisadda labada Dal ee IRAN iyo Isreal ayaa cirka isku shareertay, ka dib markii Isniintii Shalay uu Raysal-wasaaraha Isreal Mr. Netanyahu uu sheegay in Isreal ogaatay in qalab loo adeegsado hubka Nuklear-ka ay ku arkeen Magaalo ku taalla badhtamaha Dalka IRAN oo Magaceedu yahay  Abadeh.

Mr. Netanyahu  oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Basaasiinta Isreal ay Sannadkii hore dhukumantiyo la xidhiidha Nuklear-ka Iran ka soo xadeen bakhaar ku yaalla Gudaha IRAN, arrimahaas oo dhamina muujinayaan tuhunka la qabo ee ah IRAN leedahay Hubka wax gumaada ee Nuklear-ka.

Laakiin, Wasiirka arrimaha dibedda IRAN oo hadalkaa daba socda ayaa Maanta sheegay in Isreal raadinayso dagaal, hadalkeeduna la mid yahay ‘Oohinta Yeyga’.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

 

 

COMMENTS