Dawladda Masar Oo Ka Shaqaynaysa In Suudaan Laga Saaro Liiska Dalalka Argagixisada Maalgeliya

UAE (HCTV) – Diblumaasi sare oo Masri ah ayaa Isniintii sheegay inuu ka shaqaynayo sidii Quwadaha Adduunku ugala shaqayn lahaayeen in Maraykanku uu Suudaan ka saaro Liiska Dalalka Maalgeliya Argagixisada.

Wasiirka Arrimaha dibedda ee Masar, Sameh Shoukry ayaa sheegay inuu taageero Caalamiya la rabo Dawladda Rayidka ah ee ka dhalatay Suudaan, waxaanu xaqiijiyey in Qaahira ka shaqaynayso sidii Maraykanka iyo Dalalka kale ay Suudaan uga saari lahaayeen Liiska Dalalka Argagixisada Maalgeliya, taasi oo lagu daray Xilligii uu Suudaan xukumayey Madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir.

“Masar waxay ka taageeraysaa Suudaan sidii looga saari lahaa Liiska Argagixisada..” ayuu Wasiirka Arrimaha dibedda ee Masaru u Saxaafadda ugu sheegay Magaalada Khartoum ee Caasimadda Dalka Suudaan, waxaanu intaa ku daray “Sidoo kale, waxaanu xoojinaynaa arrinta Maraykanka (Liiska Argagixisada ee Suudaan ugu jirto Maraykanka), waanuna sii wadaynaa riixiddeeda (Si looga saaro Liiskaa), annaga oo kala shaqaynayna Madaxda Suudaan.”

Maraykanka ayaa Suudaan ku daray Liiska Dalalka Maalgeliya Argagixisada 1993-kii ama Afar Sanadood ka dib, markii Cumar Xasan Al-bashiir uu xukunka ku qabsaday Afgambi.

Ugu dambayn, Wasiirka Arrimaha dibedda ee Masar Sameh Shoukry ayaa booqasho ku tagay Isniintii Shalay Magaalada Khartoum, waxaanu halkaa kula kulmay dhiggiisa Suudaan, haweenayda lagu Magacaabo Asmaa Abdalla.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka