Raysal-wasaaraha Cusub Ee Suudaan Oo Safarkiisii U Horreeyay Jubba Ku Tagay

Jubba (HCTV) – Raysal-wasaaraha cusub ee Dalka Suudaan Abdalla Hamdok ayaa Maanta gaadhay Caasimadda Dalka Koonfurta Suudaan ee Jubba.

Booqashada Raysal-wasaaraha cusub ee Suudaan ku tagay Xarunta Jamhuuriyadda Koonfurta Suudaan ayaa noqonaya kiisii koowaad ee uu dalka dibedda ugaga baxo, tan iyo markii uu la wareegay xukunka Dalka Suudaan.

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan joogo halkan jubba oo ah Gurigaygii labaad, waxaanu baadi-doonaynaa xidhiidhkayagii muhiimka ahaa ee ka dhexeeyay labadayada Qaran..” ayuu yidhi Raysal-wasaaraha Suudaan oo Khamiista ka hadlayey Magaalada Jubba ee Caasimadda Koonfurta Suudaan.

Abdalla Hamdok oo booqashadiisu qaadanayso laba Maalmood ayaa la kulmay Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed Salva Kiir, waxaanu la kulmi doonaa Madaxdaa Xisbiyada Mucaaaradka ah ee Suudaan.

“Waxaanu rajeynaynaa inaanu xidhiidh wanaagsan ka yeelano dhinacyada Ganacsiga, Arrinta xuduudka, shidaaalka iyo isku socodka labada Shacab..”ayuu hadalkiisa raaciyey Raysal-wasaare Hamdok.

Koonfurta Suudaan ayaa Waqooyiga ka go’day sannadkii 2011-kii, ka dib Dagaal dhiig badan ku daatay oo Khartuum kula jirtay Jubba, 2011-kii ayay Koonfurta Suudaan noqotay Qaranka ugu caansan, uguna da’da yar Dalalka Adduunka.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka