Raysal Wasaaraha Somalia Oo Masuuliyiin Ka Socday Q/M Iyo Baanka Aduunka Kulan Kula Yeeshay Baydhabo

Baydhabo, (HCTV) – Raysal Wasaaraha Somalia,  Xasan Cali Khayre ayaa kulan magaalada Baydhabo kula yeeshay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabishan arrimaha bini’aadninimada, Mark Lowcock, kaaliyaha xoghaha guud ee Qaramada Midoobay ee taageerada dhismaha nabadda, Oscar Fernandez-Taranco iyo Madaxweyne ku-xigeenka sare ee Bangiga adduunka, Mahmoud Mohieldin oo Baydhabo booqasho ku yimid.

Kulanka dhex maray Raysal Wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre, Mark Lowcock, Oscar Fernandez-Taranco iyo Mahmoud Mohieldin oo ay goob joog ka ahaayeen madaxweynaha Koonfur Galbeed, qaar kamid ah wasiirrada dawladda federalka Somalia iyo Koonfur Galbeed ayaa lagaga hadlay xaaladaha bini’aadninimo ee dalka, dhismaha nabadda, qorshaha deynta lagaga cafinayo Soomaaliya iyo fulinta mashaariic horumarineed ee Somalia lagu taageero.

Raysal Wasaaraha Somalia ayaa masuuliyiinta uu kulanka la qaatay waxa uu warbixin ka siiyay horumarradii dowladdu ka gaadhay arrimaha dib-u-heshiisiinta, xaaladda deegaannada Koonfur Gableed ee socdaalka uu ku tegay, waxa uuna la wadaagay sida ay lagama maarmaanka u tahay in gargaaraarka loo bedelo mashaariic horumarineed oo bulshada wax tar u leh, si loogu diyaar garoobo xalka waqtiga fog ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dhammaan mas’uuliyiinta kulanka la yeeshay Raysal Wasaaraha ayaa bogaadiyay dadaallada dowladda federaalka ee dib-u-kabashada dalka, gaar ahaan arrimaha amniga, xaaladda bini’aadninimo, dib-u-heshiisiinta, kobcinta dhaqaalaha iyo dowlad wanaagga, waxa ayna sheegeen in hey’adaha qaramada midoobay iyo Bangiga adduunku ay Soomaaliya kala shaqeynayaan ka guul gaadhidda himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.