Khasaare Ka Dhashay Dagaal Ciidamada Somalia Iyo Al-shabaab Ku Dhexmaray Degmada Marka

Marka, (HCTV) – Dagaal culus ayaa duleedka magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose ee Somalia ku dhexmaray ciidamada Dowladda iyo xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan Guutada 14-ka October ayaa weerar ku qaaday deegaanka Jilib Marka, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan  Al-Shabaab, waxaana halkaasi ku dhexmaray labada dhinac dagaal culus oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah, sida ay sheegayaan dadka ku sugnaa deegaanka uu dagaalku ka dhacay.

Inta la xaqiijiyay ilaa 5 ruux ayaa la sheegay in dagaalkaas duleedka  Marka ku dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Ururka Al-Shabaab ay ku dhinteen tiro kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmayba ay yihiin dhinacyadii dagaalamay.

Magaalada Marka ayaa la filayaa inuu tago Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo maalmihii ugu danbeeyay socdaal ku marayay deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhinaca kale Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayre, ayaa kulan kula yeeshay safiirka Jarmalka ee Soomaaliya, Annet Gunter oo booqasho ku joogta magaalada Baydhabo ee caasimadda kumeel gaadhka ah ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo safiirka ayaa looga hadlay adkeynta xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood iyo sii wadidda taageerada dowladda Jarmalka ee Soomaaliya oo muhiim u ah horumarka iyo dib-u-kabashada dalka.

Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya, Annet Gunter, oo bogaadisay guulaha wax ku oolka ee Soomaaliya ku tilaabsaneyso, ayaa ammaantay dadaallada Ra’iisul Wasaare Khayre ee isugu jira dib-u-heshiisiinta iyo dib-u-dhiska Galmudug, waxa ayna ballan qaaday in dowladda Jarmalku ay garab taagantay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dowladda Jarmalka uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ay ku siiyaan dib-u-hana qaadka hey’adaha dowladeed.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.