Madaxweyne Biixi Oo Guurtida Dib Ugu Celiyey Mid Ka Mid Ah Laba Xubnood Oo Loo Soo Xulay Komiishanka Cusub Ee Doorashada

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa shirgudoonka golaha guurtida dib ugu soo celiyay mid ka mid ah laba xubnood oo uu guddoomiyaha golahaasi Saleeban Maxamuud Aadan u gudbiyay si ay uga mid noqdaan guddiga cusub ee doorashada.

Warar xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in Mr. Foosi Maxamed Faarax oo ka mid ahaa labada xubnood ee uu guddoomiye Saleeban xulay ay madaxtooyadu soo celisay.

Lama sheegin sababta ay Madaxtooyadu u soo celisay xubintaas.

Guddoomiye Saleeban ayaa toddobaadkii hore Madaxweyne Biixi u gudbiyay labada xubnood ee uu u xulay ka mid noqoshada guddiga cusub ee doorashooyinka.

Marka laga tago Mr. Foosi oo la soo celiyay xubinta labaad ee uu guddoomiye Saleeban gudbiyay ayaa ah Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood).

Guddoomiye Saleeban ayaan weli Madaxtooyada dib ugu celin xubinta uu ku beddelay xubinta la soo celiyay, waxaase la filayaa inuu maalmahan xulo xubin kale oo buuxisa jagada xubinta la soo celiyay.

Geesta kale, Madaxweyne Biixi ayaan weli xulin saddexda xubnood ee uu sharcigu awoodea u siiyay inuu soo xulo, sidoo kalena labada xisbi mucaarad UCID iyo Waddani ayaan iyaguna gudbin labadooda xubnood.

Laakiin, xubnaha Madaxweyne Biixi iyo labada xubnood ee labada xisbi mucaarad waxa ka taagan loolan adag oo u dhexeeya shakhsiyaad kala duwan oo baratan ugu jira inay buuxiyaan xubinimada.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

Xigasho: Geeska Afrika