Madaxweyne Biixi Oo Sheegay Inaan Madaarka Berbera Ciidan Isticmaalin Doonin

Berbera (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Garoonka diyaaradaha ee Berbera ee Imaaraadku dhisayo aanu noqon doonin Garoon Ciidan, balse uu noqon doono Madaar Shicibku isticmaalo.

Madaxweynaha oo Maanta ka hadlayey Magaalada Berbera ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya yidhi “Madaarkii la lahaa Imaaraadka dhisaya oo waa Ciidan iyo Ciidan maaha, Ciidankii waan ka wareejiyey (Garoonka diyaaradaha Berbera) oo waa Shibil Maanta, waxaanu noqonayaa Madaarka ugu weyn, Toddobaadkana waxa imanaya Shirkaddii dhisaysay, taawarka, Masar ayuun baa berigii lagu sheegi jiray mid kan ka weyn, wuxuu noqonayaa 5KM oo dhinac walba u banaan oo badda ku yaalla oo cusub, markaa waxaynu ku talo-galaynaa inuu noqdo Garoon Dekedda ka shaqo badan oo diyaaradaha Caalamka ugu waaweyni ay ka qaadaan Alaabta..”

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka