Akhri: WADDANI Oo Madaxweynaha Ku Eedeeyay Inuu Ku Fashilmay Hoggaaminta Dalka

Hargeysa (HCTV) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa Madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay inuu ku fashilmay hoggaaminta Dalka, sidaasi darteedna wuxuu ugu baaqay inuu iska wareejiyo Talada Dalka.

Guddoomiyaha Garabka dhallinyarada ee Xisbiga WADDANI, Maxamed Sidiiq Dhamme oo Maanta saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Waxaanu dareemaynaa in Xisbiga KULMIYE uu ku fashilmay Hoggaaminta dalka oo aanu sii wadi karin, Madaxweynaha laftiisana maaddaama oo uu Dalka u wadi karin sidii Dastuurku ogolaa ee Dawladnimadan loo dhisay inuu hoggaaminta ku wareejiyo Golaha Guurtida, ummadduna isugu timaaddo talo Qaran oo Dadka reer Somaliland ay aayahooda ka tashadaan, oo la helo nidaam Somaliland u caddaalad sameeya, u xorriyad sameeya.”

Guddoomiyaha Garabka dhallinyarada ee Xisbiga WADDANI wuxuu cambaareeyay Xukuumaddu Maalmihii u dambeeyay kula kacday Xarumo Warbaahineed iyo Weriyeyaal.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka