Khasaare Ka Dhashay Kolonyo Ka Tirsan AMISOM Oo Lagu Weeraray Balcad

Balcad, (HCTV) – Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha Dhexe ee Somalia ayaa sheegaya in kolonyo ay la socdeen ciidamada ka tirsan howlgalka midowga Africa ee AMISOM in lagu weeraray deegaan lagu magacaabo Garas Deelle oo hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Goobjoogayaal ayaa sheegay weerarkan  oo isugu jirey mid miino ah iyo weerar toos ah in lagu gubay baabuur nooca dagaalka ah oo ay wateen ciidamada  AMISOM iyadoo uu ka dhashay dagaalkan qasaare isugu jira dhimasho iyo  dhaawac.

Deegaanka uu weerarkan ka dhacay ayaa ahaa meel aysan hore uga dhici jirin dagaalada waxaana uu weerarkan imanaya xilli shalay lagu diley qarax miino mas’uul ka tirsan maamulka gobolka Sh/dhexe.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in uu jiro howlgalo ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ay ka wadaan deeganada ku dhowdhow halka uu weerarkan ka dhacay,waxaana xiran wadada isku xidha magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad.

Waddada isku xirta degmada Balcad iyo Jowhar ayaa noqotay jidadka ugu halista badan ee lagu safro, iyadoo maalin ka hor qarax lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle oo ku safrayay waddadaasi ku safrayay.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.