Maraykanka Oo IRAN Ku Eedeeyay Weerarradii Lagu Gubay Warshadaha Shidaalka Ee Sucuudiga

USA (HCTV) – Dawladda Maraykanka ayaa Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN ku eedaysay Weerarkii Shalay lagu qaaday laba Goobood oo lagu Warshadeeyo Shidaalka Sucuudiga.

Weerarka oo loo adeegsaday laba diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn ayaa waxa geystay khasaare laxaad leh, kaasi oo gaadhsiisan in wax soo-saarkii Shidaalka ee Sucuudiga uu hoos u dhaco illaa 5.7 Million Barmiil, sida laga soo xigtay Wasiirka Tamarta ee Sucuudi Carabiya.

Weerarkan waxa Masuuliyaddiisa sheegatay Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalama Dalka Yemen, laakiin Xoghayaha Arrimaha dibedda ee Maraykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in Weerarkii u dambeeyay ee lagu qaaday Sucuudiga ay ka dambaysay Dawladda IRAN, isagoo tilmaamay in aanay jirin caddaymo sheegaya in Xuutiyiintu weerarkaa qaadeen.

Waxa uu meesha ka saaray sheegashada Xuutiyiinta Yemen ee ah in ay weerar ku qaadeen labo warshadood oo ay maamusho Sharikadda Aramco ee Sucuudiga laga leeyahay.

Qoraal uu xoghayaha Arrimaha dibedda ee Maraykanku ku baahiyey Twitter-ka ayuu ku sheegay in Tehran ay masuul ka ahayd ama ka dambaysay illlaa boqol weerar oo Sucuudiga lagu qaaday, xilli buu yidhi Hoggaamiyaha IRAN Iyo Wasiirka Arrimaha dibedda IRAN ay iska dhigayaan inay hawlo diblumaasiyadeed ku mashquulsan yihiin.

Wasiirka tamarta ee Sacuudiga ayaa sheegay in duqaymahaasi ay hoos u dhigeen wax soo saarkii saliidda 5.7 milyan oo barmiil – oo ah kala badh shidaalkii ay boqortooyadu dhoofin jirtay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka