Shini Cadhaysan Oo Dib U Dhigtay Duulimaadka Air India Oo Qaadaysay 136 Rakaab Ah

Kolkata, (HCTV) – Duulimaadka Diyaarada Air India ayaa dib u dhacday dhawr saacadood kadib markii Muraayada daaqada duuliyaha ay ku degtay Shini cadhaysan, waxaanay Shinidaasi weerartay markii ay shaqaaluhu isku dayeen inay ka eryaan, sida ay sheegeen saraakiisha madaarku.

Shinida ayaa ku degtay Daaqada wax yar uun ka hor markii ay diyaaradu doonaysay inay ka duusho magaalada bariga dalkaasi ku taala ee Kolkata, waxaanay qaadaysay 136 rakaab ah, oo uu ku jiro Wasiirka Warfaafinta ee Bangladesh.

Shaqaalihii Garoonka markii ay isku dayeen inay meesha ka kaxeeyaan way ka sii cadhootay, waxaanay isku dayeen in ay u isticmaalaan the windscreen wipers balse way u shaqayn wayday.

“Shinidan khaatiga laga istaagay ayaa markii dambe waxa aanu u dalbanay dab-damis si ay ugu furan biyo xoog leh oo shinida ka kaxeeya daaqada, waxaana hawlgalkaasi ku qaatay mudo ka badan saacad,” sidaasi waxa yidhi Kaushik Bhattcharya oo ah sarkaal ka tirsan Madaarka oo u waramay AFP.

Duulimaadku waxa uu ku wajahnaa Agartala oo ku taala waqooyi-bari dalka India, waxaanay duushay in ka badan saddex saacadood iyo badh markii ay dib u dhacday.

Boqorkii shinidaasi ayaa si cajiib leh uga duulay goobtaasi isagoo wata colanyo shini ah si uu u raadsato hoy cusub.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.