Diyaaradaha Dagaalka Maraykanka Oo Dilay 2 Ka Mid Ah Dagaalyahanada Al-Shabaab

Kismaayo, (HCTV) – Taliska Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa Arbacadii maanta sheegay inay duqeyn dhinaca cirka ah ku fuliyeen kooxda xidhiidhka la leh al-Qaacida ee al-Shabaab ee koonfurta Soomaaliya ka dagaalanta, halkaas oo ay ku dileen laba dagaalyahan oo ka tirsan ururkaasi Al-shabaab.

Weerarkan cirka ah ayaa ka dhacay waqooyiga magaalada dekeda ah ee Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, waxaana la bartilmaamedsaday ka dib markii kooxdu weerartay roondo Soomaaliyeed, sida ay sheegtay AFRICOM.

“Taliska Ciidamada Maraykanka Afrika oo kaashanaya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuu duqeyn xagga cirka ah ku sameeyay dagaalyahanada Al-Shabaab ka dib markii ay weerareen roondo ay leeyihiin ciidamada Woqooyiga-galbeed ee magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, Soomaaliya Sept. 17 Waqtigan, waa la qiimeeyaa duqeynta cirka. waxay dileen labo (2) argagixiso,” AFRICOM ayaa sidaa ku sheegtay War-qoraal ah oo ay soo dhigtay barteeda Twitter.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in qof rayid ah oo ku dhaawacmay ama lagu dilay dagaalkaas.

Dhanka kale, Talaadadii, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ciidanku dileen al-Shabaab “gudoomiyihii” gobolka dhexe ee Hiiraan oo uu la socdo dagaalyahan kale oo sarsare.

Dhanka kale ciidamada dowlad goboleedka jubbaland ayaa sheegay in ay dileen in kabadan 15 dagaalyahano al-Shabaab ah oo ku sugnaa gobolka Jubada Hoose howl gal salaasadii la soo dhaafay ay qaadeen.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.