Madaxweynaha Puntland Oo Socdaal Ku Tagay Deegaanka Xeebta Ee Garacad

Madaxweynaha Puntland Oo Socdaal Ku Tagay Deegaanka Xeebta Ee Garacad

Xisbiga WADDANI Oo Sheegay In Hadalkii Wasiirka Warfaafintu Uu Waxyeelayo Wad-jirka Ummadda
Xiisad Cusub: Diyaaradaha Isreal Oo Dilay 4 Qof Oo Reer Falastiin Ah Maanta
Hargeisa : Dareenka Hooyooyin Ganacsigoodi Laga Burburiyey
Gantaal Suuriya Laga Soo Riday Oo Dad Ku Waxyeeleeyay Gudaha Turkiga
Shixnadii Ugu Horaysay Ee Hubka Turkigu Ka Soo Iibsaday Ruushka Oo Soo Gaadhay Ankara

Garoowe, (HCTV) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa gaaray deegaan xeebeedka Garacad ee gobolka Mudug.

Socdaalka ayaa lagu sheegay inuu salka ku hayo sidii uu madaxweynaha Puntland u shaacin lahaa in la maalgashto mashruuca ballaaran ee sida isku tashiga ah deegaanka uga socda ee lagu dhisayo deked.

Muddada madaxweynaha Puntland uu ku sugan yahay deegaanka waxaa sidoo kale uu dhigax dhigi doonaa wajigga labaad ee mashruuca lagu dhisayo dekedda Garacad.

Siciid Deni, waxaa socdaalka ku weheliya mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee xukuumadda , maalgashadayaal iyo ganacsato, iyada oo ay halkaa ku soo dhaweeyeen maamulka gobolka Mudug, kan deegaanka Garacad iyo bulshada deegaanka.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.

COMMENTS

%d bloggers like this: