Nimco Yaasiin Carraale Oo Laga Qaadayo Hidde-sidaha DNA

Hargeysa (HCTV) – Boqorka guud ee Beelaha Gabooye ee Somaliland, Boqor Axmed Iimaan Warsame ayaa sheegay in Xal laga gaadhayo Muran u dhexeeyay Fanaanadda Nimco Yaasiin Carraale iyo Qoyskii soo koriyey oo ay Wakiil ka tahay Gabadh lagu Magacaabo Adeega.

Muran ayaa muddo dheer ka taagnaa in Fanaanadda Nimco Yaasiin Carraale ka soo jeedo Qoys ka mid ah Beesha Gabooye, ka dib markii ay dhowr sannadood ka hor sheegtay in aanay ka soo jeedin Qoyskii soo koriyey, balse Qoyskii soo koriyey oo Adeega ay ka mid tahay ayaa arrintaa ku gacan-saydhay isla-markaana sheegay in Nimco ay Qoyskooda tahay, waxaana markaa ka dib Kiiskoodu galay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex.

Boqor Axmed Iimaan Warsame oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in arrintii Nimco Yaasiin iyo Qoyskii soo koriyey xal laga gaadhayo, la iskuna afgartay in laga qaado Dhiigga Hidde-sidaha loo yaqaano DNA, si rasmi ahaan loo kala saaro Nimco iyo Qoyska ka midka ah Beelaha Gabooye.

“Fanaanadda Nimco Yaasiin Carraale iyo Gabadha Adeega la yidhaahdo oo mar ay arrinkooda Saxaafadda soo gaadhay, Dacwaddooduna Maxkamadda Hargeysa taallo, Xal baa laga gaadhay oo labadoodaba Raalli bay iskaga noqdeen in Dhiigga DNA laga qaado, Laba Bilood ayay halkan (Hargeysa) Nimco u fadhiday in laga qaado DNA, Adeegina raalli ayay ka noqotay. In DNA laga qaado Nimco way ogolaatay, Adeegina way ogolaatay, markaa waabay iska dhammaan lahayd ee Hargeysa ayaan DNA lagu qaadin, markaa Muddo ayaa la noo qabtay wayna ballameen..” ayuu yidhi.

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka