Madaxweynihii Tunisiya Zine El Abidine Ben Ali Oo Sucuudiga Ku Geeriyooday

Riyadh, (HCTV) – Madaxweynihii la afgambiyay ee dalka Tunisiya Zine El Abidine Ben Ali ayaa ku geeriyooday maanta dalka Sucuudi Carabiya oo uu mastaafuris uu ku joogay.

Geerida Madaxweynihii hore ee dalka Tunisiya ayaa geeryiyooday maalmo kadib doorashadii madaxtinimada ee waddankiisa ka dhacday, waxaanu da’diisu ahayd 83 jir.

Madaxweynihii hore ee dalka Tunisiya ayaa muddo saddex bilood ah ku jiray cusbitaalka daryeelka degdegga ka dib markii uu sanado badan la dagaallamayay kansarka qanjidhka ee ‘prostate’.

“Ben Ali wuxuu ku dhintey Saudi Arabia,” qareenka qoyska Mounir Ben Salha ayaa sidaasi khadka taleefanka ugu sheegay wakaalada wararka ee Reuters.

Zine El Abidine Ben Ali ayaa ka cararay dalka Tunisiya bishii January 2011 markii ay xulufadii ka soo horjeeday xukunkiisii ay kacdoon ku kiciyeen markii dambana ku fiday dalalka Carabta.

Maalintii Axadii, dadka reer Tunisiya ayaa codkooda ka dhiibtay doorasho ay ku tartamayeen dhawr musharax oo ka socday dhinacyada siyaasada.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.