Xoghayaha Arrimaha Dibedda Ee Maraykanka Oo Shalay Tagay Sucuudiga, Maantana Jooga Imaaraadka

UAE (HCTV) – Xoghayaha Arrimaha dibedda ee Dalka Maraykanka Mike Pompeo ayaa Khamiista Maanta gaadhay Dalka Isku Tagga Imaaraadka Carabta.

Warka ka soo baxay Safarka Xoghayaha Arrimaha dibedda ee Maraykanku ku tagay Khamiista Maanta Dalka Imaaraadka ayaa lagu sheegay inuu doonayo in laga wada-hadlo Weerarkii lagu qaaday Warshadaha lagu sifeeyo Shidaalka ee Dalka Sucuudiga.

Mr. Pompeo waxa loo muddeeyay inuu la kulmo Sheekh Mohamed bin Zayed oo ah Amiirka xukuma Imaaraadka Abu Dubia iyo ku-xigeenka Taliyaha Ugu sarreeya Ciidammada, si ay uga wada-hadlaan Xaaladda Gobolka Khaliijka Carabta.

Booqashada Mr. Pompeo iyo kulamada uu la yeelanayo Madaxda Imaaraadka Carabta, ayaa timid ka dib markii 14-kii bishan September, 2019 weerar culus lagu qaaday Warshadaha Shidaalka Sifeeya ee Sucuudiga, kaasi oo ay xulafo yihiin Imaaraadka Carabta.

Maraykanka ayaa Weerarradaa oo Xuutiyiinta Yemen sheegteen ayaa waxa Maraykanku ku eedeeyay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN, taasi oo ay Awoodda iyo siyaasadda Mandaqadda Gobolka Khaliijka isku hayaan Sucuudiga.

Safarka Mr. Pompeo ee Abu Dubai ayaa daba socda Socdaal uu Shalay Arbacadii ku tagay Dalka Sucuudiga, halkaasi oo uu kula kulmay dhaxal-sugaha boqortooyada Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan, kaasi oo ay ka wada-hadleen weerarkii lagu qaaday Warshadaha Shidaalka sifeeya ee Sucuudiga.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka