Bileyska Somaliland Oo Xidhay Saxafigii 3aad Ee Ka Tirsan Shabakada Hadhwanaag

Hargeysa, (HCTV) – Ciidamada Bileyska Somaliland ayaa xidhay saxafigii saddexaad ee ka hawlgala shabakada Hadhwanaag.

Xadhigan Saxafigan Cabdiraxmaan Sheekh Xasan ayay wararku sheegayaan in ciidamadu ay xalay ka soo xidheen gurigiisa oo ku yaala magaalada Hargeysa, waxaanu xadhigiisu imanaya 10 maalmood ka hor markii xukuumadu xabsiga u taxaabtay laba saxafi oo kale oo ka tirsan shabakada Hadhwanaag oo kala ah Cabdirisaaq Good iyo Cabdiqani Asparo.

Ka sokow suxufiyiinta la xidhay ayaa sidoo kale waxa iyadana hore xayiraad loo saaray shabada Hadhwanaag oo ilaa iyo hadda aan laga booqan karin dhinaca Internetka ee gudaha Somaliland.

Waxaanay dhamaan talaabooyinkani ay yimaadeen kadib markii shabada Hadhwanaag News ay daabacday warar ku kakan gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland oo ku saabsanaa eedo musuqmaasuq.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.