“Nabad Waarta Waxay U Baahan Tahay Hannaan Dowladnimo Loo Dhan Yahay Iyo Caddaalad..” Qaramada Midoobay

“Nabad Waarta Waxay U Baahan Tahay Hannaan Dowladnimo Loo Dhan Yahay Iyo Caddaalad..” Qaramada Midoobay

Al-Shabaab Oo Degmada Waajid Ku Dilay Qoys 7 Qof Ah
Midowga Musharixiinta Somalia Oo Safiirka Turkiga Ugu Baaqay Inuu Dhexdhexaad Ka Noqdo Doorashooyinka
GUURTIDA: Guddi Loo Saaray Xaalado Ka Soo Cusboonaaday Awdal, Selel & Sanaag
Madaxweynaha Somaliland Oo Daah-furay Buugga Barashada Maaddada Waddaniyadda Ee Jaamacadaha Dalka
Cashuuro Dheerad Ah Ayaa Lagu Soo Rogay Shidaalka Kenya.

Muqdisho (HCTV) – Qaramada Midoobay ayaa dadweynaha Soomaaliya ugu baaqday inay si wada-jir ah gacan uga geystaan Nabad ku soo dabbaalidda Soomaaliya, si Dalku uu horumar u gaadho Mustaqbalka Dhow.

War-saxaafadeed lagu soo beegay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda Adduunka ayaa Ergaya Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Mr. James Swan wuxuu ugu baaqay reer Soomaaliya inay ka shaqeeyaan Nabadgalyada dalkooda.

War-saxaafadeedka uu soo saaray Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa u qornaa sidan “Iyadoo Adduunku xusayo Maalinta Caalamiga ah ee  Nabadda, ayaa Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya wuxuu  maanta ku dhiirri-geliyay dhammaan dadka Soomaaliyeed inay gacan ka  geystaan xaqiijinta nabad waarta oo ka hirgasha dalkooda. Dadka Soomaaliyeed waxaa ay aad ugu baahan yihiin in la soo afjaro colaadda iyo toogashada macno darrada ah iyo qaraxyada ay muddada dheer u soo joogeen.

Waxaan bogaadineynaa dadaallada joogtada ah ee ay waddo Dowladda Soomaaliya, oo ay taageerayaan saaxiibbada caalamka, si loo hagaajiyo  amniga loona soo afjaro rabshadaha.

Nabad waarta waxay sidoo kale u baahan tahay hanaan dowladnimo oo loo wada dhan yahay, caddaalad loo siman yahay, iyo wada-hadal joogto ah oo dhex mara dadka Soomaaliyeed ee wanaagga iyo samaha jecel si loo gaadho is-afgarad siyaasadeed iyo dib-u-heshiisiin qaran.

Maalintan maanta ah, waxaan ku boorinayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed inay sii xoojiyaan go’aankooda ah inay ku wada noolaadaan midnimo, si ay Soomaaliya ugu tallaabsato waddada nabadda iyo xasilloonida.”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

 

 

 

 

 

COMMENTS

%d bloggers like this: