40 Qof Oo Ku Dhintay Goob Ay Xaflad Aroos Ka Socotay Oo La Duqeeyay

Kabul (HCTV) –  Ugu yaraan 40 Qof oo Shacab ah ayaa ku dhintay Duqayn Diyaaradeed iyo Hawl-gal dhulka ah oo Ciidammada Dawladda Afghanistan ku qaadeen goob ay isku qarinayeen Daalibaan, halkaasi oo ku taalla Koonfurta Gobolka Helmand.

Abdul Majed Akhand oo ah ku-xigeenka Guddida Maamusha Gobolka Helmand ayaa sheegay in inta badan Dadka ku dhintay Duqayntaasi ay ahaayeen Dumar iyo Carruur, kuwaasi oo ku sugnaa goob Xaflad Aroos ka socotay, halkaasi oo ku taalla Degmada Musa Qala.

“Afartan Qof waalla dilay, 18 kalena way dhaawacmeen, waxaana loo qaaday Cisbitaalka..” ayuu AFP u sheegay Abdul Majed Akhand, waxaanu intaa raaciyey “Dhammaan dhibbaneyaashu waa Shacab..”

Laakiin, Afhayeen u hadlay Badhasaabka Gobolka Helmand ayaa Telefiishanka Al-jazeera u sheegay in weerarka Ciidammada Dawladdu qaadeen lagu dilay 14 Dagaalyahan oo Daaliban ka mid ah, kuwaasi oo ay ku jiraan 6 Ajaanib ah oo aan reer Afghanistaan ahayn, Dawladduna baadhayso Wararka sheegaya in hawl-galkaa ay ku dhinteen 40 Qof oo Shacab ah, kuwaasi oo goobtii ay ku sugnaayeen ay Duqeeyeen diyaaraduhu.

“Waanu ognahay inay Dad ku dhinteen Duqaynta, laakiin weli ma hayno Tiradooda.” ayuu yidhi, Afhayeenka u hadlay Badhasaabku, waxaanu intaa ku daray “Si kastaba, baadhitaanka ayaynu ku ogaan doonaa..”

Toddobaadkii hore, ayaa duqaymo ay Afganistan ka geysteen Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanku waxay ku dileen Dad gaadhaya 30 Qof, kuwaasi oo mashruuca dhinaca Beeraha ah gacanta ku hayey, halka isla Maalintaana Qarax lala beegsaday Cisbitaal ay ku dhinteen Dad ka badan 20 Qof, taasi oo tirada dadka dhintay saddex Maalmood oo isku xigay ka dhigaysa 90 Qof sida Warbaahinta Caalamiga ah baahisay, inkasta oo Warbaahinta Dunidu aanay wada daboolin Wararka la xidhiidha waxyaabaha ka socda Afganistan.

Hawl-gallada Maraykanka oo taageeraya Ciidammada Dawladda Afghanistan ay ku beegsanayaan Xooggaga Daalibaan ayaa kordhay labadii Toddobaad ee u dambeeyay, ka dib markii uu fashilmay heshiis la doonayey inay wada gaadhaan Maraykanka iyo Daalibaan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka