7 Caruur Ah Oo Ku Dhintay Dugsi Ay Wax Ku Baranayeen Oo Ku Yaala Nairobi

Nairobi, (HCTV) – Ugu yaraan todoba caruur ah ayaa dhintay kadib markii uu soo dumay fasalkii ay wax ku baranayeen oo ku yaalay dugsi hoose oo ku yaalay caasimada dalka Kenya ee Nairobi.

Dugsigan caruurta ku dumay maanta oo Isniin ah ayaa sidoo kale wararka laga helayo dalka Kenya ay sheegayaan in dhacdadaasi ay ku dhaawacmeen dad tiradooda lagu sheegay 57 qof oo kale,kuwaas oo loo qaaday cusbitaalka magaalada si looga daaweeyo dhaawacyada soo gaadhay, sida ay xaqiijiyeen waaxda gargaarka degdega ah.

Hawlgalada samatabixinta ayaa lagu waramayaa inay carqaladeeyeen dad tiro badan oo ku soo xoomay ama isugu soo ururay Iskuulka uu shilka ka dhacay ee soo dumay.

“Ilaa iyo hadda waxaan xaqiijin karaa in dhimashadu ay tahay todoba qof, halka dhaawacuna uu yahay 57 qof oo la geeyey cusbitaalka, sidaasi waxa sheegay afhayeen u hadlay dawladda oo warbaahinta kula hadlay banaanka Dugsiga ku yaala Dagoretti ee magaalada Nairobi.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.