Puntland: Kooxda Daacish Oo Soo Bandhigay Xubno Cusub Oo Dhawaan Ay Qorteen

Garoowe, (HCTV) – Muuqaalada Sawirro cusub ayaa la baahiyey maalintii shalay, kuwaas oo muujinaya kooxda la baxday Dawladda Islaamiga ah, ayaa soo bandhigay dagaalyahanno ka tirsan qaybtooda tababarka Soomaaliya oo tababar ku qaadanaya xero ku taal waqooyiga Puntland ee Soomaaliya.

Warbixinta sawirku waxay faahfaahin ka bixineysaa malleeyshiyaadkaasi oo haysata hubka aasaasiga ah iyo tababar jidheed oo loogu magac daray “Dawoud al Somali” xerada tababarka, oo loo magacaabay ka dib markii la tababaray millatariga kooxda.

Sidoo kale kooxdan jihaadiyiinta ah ayaa sheegay in dagaalyahanadani yihiin xubno cusub oo la qortay, oo laga yaabo in la siiyo dadaallo dheeraad ah oo lagu tababarayo. Taliska Ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ayaa isaguna dhiniciisa xusay inay kooxdu awood u leedahay inay qorato xubno cusub inkasta oo ay jiraan dadaalo military oo ay iyaguna dhinacooda wadaan si ay ula dagaaamaan.

Dhinaca kale dalka Itoobiya ayaa sidoo kale laga soo sheegayaa inay jiraan xubno ka tirsan Kooxda la bacxday dawladda Islaamka ee Somalia (ISS) horaantii bishan, kuwaas oo Itoobiyaan u qoraya inay galaan kooxda ISS.

Goobta rasmiga ah ee ugu muhiimsan ee tababarka lagu qaado ayaa ku taalla buuraha Bari ee Puntland dhanka koonfureed ee Boosaaso, taas oo ah xarunta ugu weyn ee Dawladda Islaamiga ah ee Soomaaliya.

Waxaana goobahaasi lagu arkay hawlgallo millatari oo badan oo ka socda dhinaca Puntland, iyo sidoo kale duqeymo cirka ah oo Maraykankan ku u geysanayo kooxda jihaadiyiinta ah. Horraantii sanadkan, ku xigeenka amiirka kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo Maraykanku uu ka fuliyay gobolada Puntland.

Tani maaha markii ugu horreysay oo kooxda dowladda Islaamiga ah ay xayeysiiso xeryo tababar oo ku yaala gudaha Soomaaliya gaar ahaana Puntland. “Xerada tababarka Sheekh Abu Numan” waxaa hore loogu soo bandhigay fiidiyow la sii daayay 2016.

Xaruntaas waxaa loo magacaabay Bashiir Abu Numan, oo ah sarkaal Shabaab ah oo ka mid ahaa kuwii ugu horreeyay ee ka goosta Kooxda Dowladda Islaamka laakiin markii dambe lagu dilay isagoo ka mid ah Amniyaatka (ciidanka amniga gudaha).

Howlgallada Dawladda Islaamiga ah ee ka socda gudaha Soomaaliya ayaa si aad ah hoos ugu dhacday bilihii la soo dhaafay. Dabayaaqadii todobaadkii la soo dhaafay, waxay sheegatay hawlgalkeedii ugu horreeyay tan iyo 14-kii August iyo howlaheedii ugu horreeyay oo ka dhaca Muqdisho ilaa August 5.

Waxaana la rumaysan yahay in cadaadiska sii socda ee Al-shabaab, iyo sidoo kale dadaallada millatari ee ka dhanka ah ciidamada amniga Puntland, milatariga Soomaaliya, iyo hanjabaadaha duqeymaha diyaaradaha Mareykanka ay hoos u dhigeen howlihii ay hayeen.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.