Soomaaliya: Al-Shabaab Oo Sawirro Ku Soo Bandhigay Khasaaraha Weerar Ay Saldhig Ciidan Ku Qaadeen

Soomaaliya (HCTV) – Kooxda Al-shabaab ayaa soo bandhigtay Meydadka Askar ka mid ah kuwa Dawladda oo ay sheegeen inay ku laayeen Saldhigga Ciidammada Soomaaliya ee Ceel-Saliini ee degmada Aw-dheegle, kaasi oo ay Shalay ku qaadeen Weerar ku bilaabmay Qaraxyo.

Saraakiil ka mid ah Dawladda Soomaaliya ayaa Shalay si adag u beeniyey in Al-shabaab ay Ciidammadoodii ku sugnaa Ceel-Saliini ku dileen 23 Askari, laakiin Al-shabaab oo adeegsanaysa Warbaahinteeda ayaa Maanta soo bandhigay Sawirro ay ka soo qaadeen Saldhigga Ceel-saliini, Meydad ka mid ah Askar xidhan Dirayska Ciidammada Dawladda Soomaaliya, gaadiid qaarkood hub ku rakiban yahay oo ay qabsadeen, Booyado iyo Sanaaduuq uu hub ku jiro, taasi oo ay kaga jawaabayaan beeninta Dawladda ah ee aan Ciidammada waxba ku gaadhin weerarka Al-shabaab.

Sawirrada ayaa muujinaya Askar ka mid ah kuwa Al-shabaab oo Rasaas la dhacaya Askari ka mid ah kuwa Dawladda oo dhulka jiifa iyo Dagaalyahanno kale oo dusha ka fuushan Gaadiid kuwa Dagaalka ah oo yaallay Saldhigga Ceel-Saliini.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka