Xoghaye Guterres Oo Hogaamiyeyaasha Caalamka U Muujiyey Khatarta Isbadalka Cimilada Aduunka

New York, (HCTV) – Xoghayaha Guud  ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in isbadalka Cimiladu ay tahay arinta ugu muhiimsan ee hortaala hogaamiyeyaasha aduunku iyo dawladduhu ee loo baahan yahay inay wax badan ka qabtaan, kaas oo tilmaamay in si aayar aayar ah ay u kordhayso heerkulka cimilada oo durtaba saamaysay dhamaan dadka aduunka ku nool.

Xoghayaha guud waxa uu sidoo kale sheegay in tan iyo 2017-kii oo uu ahaa Madaxa Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa, inay ka shaqeeyeen oo ay gacan ka gaysteen xal u helida meelo badan oo aduunka ah oo inta badan dagaalo ka socdeen.

Antonio Guterres, Xoghayaha guud ee Qaramada MIdoobay waxa uu sidaasi ka sheegay hadal uu ka jeediyey shir xubnaha ururkaasi uga Furmay magaalada New York oo ku saabsanaa Isbadalka Cimilada Caalamka, waxaanu tilmaamay in xiligan loo baahan yahay in hogaamiyeyaasha dunidu ay go’aan adag ka qaataan dhibaatooyinka Isbadalka Cimilada ee jira.

“Waynu ku guuldaraysanaynaa tartankii,” ayuu yidhi Guterres. “Isbedelka cimilada si xawli ah ayuu u socdaa, ayuu intaasi raaciyey Xoghayuhu.

Isagoo culeys saaray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump – oo meesha ka saaray isbedelka cimilada inuu u horseedyo isticmaaka shidaalka, kaasoo gacan ka geysta heerkulka kor u kacay – Gutteres wuxuu carabka ku adkeeyay inay cadahay oo aanu shaki ku jirin qatarta dadka ku nool adduunka soo wajahaysa, oo ay ka mid tahay Maraykanka iyo meelo kale.

Sanadkii 2015, bulshada caalamku waxay dejisay bartilmaameedyo loogu talagalay waddammada inay yareeyaan qiiqa gaaska si loo xaddido kor u kaca heerkulka muddada-dheer ee adduunka ah 1.5-2 digrii Celsius (34.7-35.6 Fahrenheit).

Si kastaba ha noqotee, warbixin cusub oo waxyeello leh oo ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu ogaadey in xitaa haddii dhammaan waddammada saxeexay heshiiska Paris ay gaadhaan yoolalkooda, adduunkuna weli uu kululaan doonaa 2.9-3.4C (37.2-38.12F).

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.