8 Carruur Ah Oo Ku Dhintay Dab Ka Kacay Cisbitaalkii Ay Ku Dhasheen (AKHRI)

Algeria (HCTV) – Warbaahinta Dawladda Algeria ayaa sheegtay in 8 Carruur ah ay ku dhinteen dab ka kacay Cisbitaalkii ay ku dhasheen, Salaasada Maanta.

Cisbitaalka 8-da Ubadka ahi ku dhinteen oo u gaar ah hooyada iyo Dhalaanka isla-markaana ku yaalla Xuduudka ay Aljeria la wadaagto Tunisa, ayaa la sheegay inuu dab ka kacay, dabkaasina sababay inay Geeriyoodaan 8-da Ubadka ahi.

Telefiishanka Dawladda ee ENTV iyo Idaacadda Qaranka ayaa sheegay in Dabku kacay Saacaddu markay ahayd 4-tii subaxnimo ee Salaasada Saaka.

Cisbitaalka ayaa ku yaalla Magaalada El Oued oo 600KM koonfur-galbeed ka xigta Caasimadda Aljeria.

Warku ma sheegin in Dabku waxyeeleeyay Dad waaweyn, laakiin Maamulka Cisbitaalka ayaa goor dambe sheegay inay dabka ka badbaadiyeen 11 Carruur ah, 37 Hooyo iyo 28 Shaqaalaha Cisbitaalka ah, balse ay ka murugaysan yihiin Geerida 8-da Ubadka ah.

Raysal-wasaaraha Algeria ayaa amar ku bixiyey in baadhitaan lagu sameeyo dhacdadan Naxdinta leh, Wasiirka Caafimaadka Dalkaasina wuxuu ku sii waajahan yahay Cisbitaalka dhibaatadu ka dhacday.

Illaa haddana ma jirto Xog intaa ka badan oo laga faafiyey dhacdadan naxdinta leh.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka