“Buur-madow Ha Barto Xeerka Waxbarashada Qaranka..” Wasiirka Waxbarashada S/Land

Hargeysa (HCTV) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland Md. Cismaan Jaamac Aadan ayaa ka jawaabay eedaymo uu Boqor Buur-madow uu Xukuumadda ugu jeediyey Go’aan Wasaaradda Waxbarashadu ay dugsiga gaarka loo leeyahay kaga reebtay Deeq Waxbarasho oo Itoobiya siisay Somaliland.

Wasiirka Waxbarashada oo hor-tagay Golaha Wakiillada Somaliland, gaar ahaan Guddiga joogtada ah ayaa isagoo ka jawaabaya hadalka uu Buur-madow ku duray Xukuumadda ee ah inay ku khaldan tahay inay Deeqda Waxbarasho ka reebto dugsiyada Gaarka loo leeyahay ayaa yidhi “Buur-madow halkuu Waxbarashada ka soo galay, inuu Iskuu leeyahayna ma ogiye, wasaaraddana kama shaqeeyo, meel uu ka soo galay garan maayo, hadduu Shicib ahaan ku soo galayo oo Muwaadin ahaan uu ku soo galayo waa halkeeda, haka hadlo oo ha soo barto Xeerka Qaranka ee Waxbarashada, xeer nidaamiyaha iyo waxa la isku hayo..”

Dhinaca kale, Wasiirku wuxuu sheegay inaan gorgortan laga geli karin Go’aanka Xukuumadda ee ah in Deeqda Waxbarasho laga reebo Dugsiga gaarka loo leeyahay, balse la dhiirigeliyo Ardayda Dugsiyada Dawladda ee aan awoodin inay Waxbarashada sare galaan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka