New York: Madaxweynaha Somalia Oo Abaalmarinta Hoggaaminta Fiican La Guddoonsiiyay

New York, (HCTV) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada New York ee dalka Maraykanka oo ah xarunta Qaramada Midoobay oo maalmihii u dambeeyey uu shirar kaga qaybgalayay Madaxweynuhu ayaa la guddoonsiiyay Abaalmarinta Sanadlaha ah ee Hoggaaminta Suubban ee Concardia.

Madaxweynaha Soomaaliya Mr Farmaajo ayaa waxa abaalmarintan la qeybsaday Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eretria Isaias Afwerki kaalintii ay saddexda hoggaamiye ka qaateen nabadaynta iyo is dhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika.

Munaasibada abaalmarintan oo lagu gudoonsiyey shirka the Concordia Summit, oo sanad kasta laga barbar qabto kulanka guud ee Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa ee magaalada New York.

Abaalmarintan ayaa aheyd mid lagu dhiiro galinayay dadaaladii is dhaxgalka ahaa ee ka shaqeeyeen sadaxda Madaxweyne oo kulamo dhowr ah yeeshay sidoo kale heshiisyo kala duwan gaaray.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.