UK, Jarmalka Iyo Faransiiska Oo Maraykanka Ku Raacay In IRAN Ka Dambaysay Weerarkii Sucuudiga

UK (HCTV) – “IRAN ayaa masuul ka ahayd labadii Weerar ee horraantii bishan lala beegsaday labada Goobood ee lagu sifeeyo Shidaalka Sucuudiga” sidaa waxa Maanta sheegay Hoggaamiyeyaasha Dawladaha Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka oo wada jir u soo saaray War Qoraal ah.

Hoggaamiyeyaasha ayaa qoraalka soo saaray Isniintii Shalay, xilli Raysal-wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson oo muujiyey in laga yaabo in UK ay ka baxdo heshiiska Nuklear-ka ee Dawladaha ugu awoodda badan Dunidu la galeen IRAN.

Heshiiskan waxa sannadkii hore ka baxay Madaxweynaha Dalka Maraykanka Donald Trump.

Weerarkii Xarumaha lagu sifeeyo Shidaalka Sucuudiga lagu qaaday 14-kii bishan September, 2019 ayaa waxa masuuliyaddiisa sheegtay kooxda Xuutiyiinta ee dagaallada ka wada Dalka Yemen, laakiin weerarkaasi wuxuu sare u qaaday Xiisadda ka taagan Gobolka.

Raysal-wasaaraha Ingiriiska, Mr. Johnson ayaa Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo Raysal-wasaaraha Jarmalka Angela Merkel la kulmay Isniintii, ka dib kulanka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, halkaasi oo ku wadaageen Qorshahooda IRAN.

Maraykanka ayaa hore IRAN ugu eedeeyay inay masuul ka tahay weerarradii ugu dambeeyay ee lagu qaaday Warshadaha shidaalka Sifeeya ee Sucuudiga.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka