Akhri: Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudiga Oo Qirtay Masuuliyadda Dilka Weriye Jamal Khashoggi

Saudi (HCTV) – Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa qaatay masuuliyadda Dilkii loo geystay Weriye Jamal Khashoggi, kaasi oo sannadkii hore hawl-gal Sucuudiyiin sameeyeen lagu khaarajiyey.

Hadalka uu Dhaxal-suge MBS ku qaatay Masuuliyadda Dilka ayuu ku sheegay Dhukumantari ay samaysay Warbaahinta PBS, kaasi oo la baahin doono Toddobaadka soo socda, sida ay Maanta baahisay Al-jazeera.

Mohammed bin Salman (MBS), hore si cad ugama hadal Dilka Weriye Jamal Khashoggi loogu geystay Gudaha Qunsuliyadda uu Sucuudigu ku leeyahay Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga, balse Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee loo yaqaano CIA iyo qaar ka mid ah Dawladaha reer Galbeedka ayaa sheegay inuu MBS uu bixiyey Amarka lagu dilay Weriyaha, laakiin xilligaa Masuuliyiinta Sucuudigu waxay sheegeen inaanu door ku lahayn.

Jamal Khashoggi  oo ahaa Suxufi Sucuudiyaan ah ayaa firxad ahaan ku joogay Dalka Maraykanka, waxaanu aad uga wax uga qori jiray isla-markaana u dhaliili jiray Xukunka hoggaanka Boqortooyada Sucuudiga, taasi oo keentay in boqortooyadu colaad u qaado.

Weriyaha ayaa la dilay xilli uu ku sugaan Qunsuliyadda Sucuudigu ku leeyahay Istanbul, halkaasi oo doonayey inuu ka soo qaato Waraaqo u fasaxi lahaa inuu Xaas labaad Guursado.

Dhukumantariga uu ku jiro Waraysiga laga qaaday MBS ayaa la baahin doonaa 1-da bisha Dambe oo ku beegan Sannad guuradii geerida Khashoggi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka