Malaysia Oo Xidh-xidhay 16 Qof Oo Weerarro Argagixiso Qorshaynayey

Malaysia (HCTV) – Ciidammada Booliska ee Dalka Malaysia ayaa Khamiista Maanta xidh-xidhay illaa 16 Qof oo lala xidhiidhiyey Kooxda Daacish ee ka soo aasaasan tahay Dalka Ciraaq.

Dadka la xidh-xidhay ayaa lagu eedeeyay inay qorshaynayeen Weerarro kala duwan oo ay ka geystaan Gudaha Dalka Malaysia.

Ayob Khan Mydin Pitchay oo ka mid ah Saraakiisha Booliska Malaysia ee qaabilsan la dagaalanka Argagixisada ayaa sheegay in Dadka la xidhay ee Daacish looga shakiyey inay ku jiraan 12 Qof oo u dhashay Dalka Indonesian, Saddex Malaysian ah iyo hal Qof oo Hindiya u dhashay.

“Dadkan waxa lagu soo xidhay Hawl-gal gaar ah oo socday 10 August illaa Arbacadii shalay..” ayuu yidhi, Ayob Khan oo u warramay Wakaaladda Wararka Dawladda Malaysia ee Bernama

Sidoo kale, Wargeyska Malay Mail ayaa isaguna ka soo xigtay Ayob in Xubnaha Daacish lagu xidhiidhiyey ay qorshaynayeen inay doonayaan inay beegsadaan siyaasiyiin Magac leh iyo Kooxo aan Muslimiin ahayn.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka