Nigeria: Guriga Jidh-dilka Oo Laga Soo Badbaadiyey Boqolaal Rag Ah

Kaduna, (HCTV) – Ku dhawaad 500 rag ah ayaa laga soo samatabixiyey dhisme ku yaala magaalada waqooyi ee Kaduna, kuwaas oo loo xabisay si loogu gaysto jidhdil iyo gaboodfalo kale oo faraxumayn ah, sida ay sheegeen booliska dalka Nigeria.

Dadka laga soo badbaadiyey gurigan jidhdilka ayaa waxa ku jira caruur da’doodu ka yartahay shan jir, kuwaas oo silsilado lagu dabray.

Taliyaha bileyska ee Kaduna, Cali Janga ayaa u sheegay BBC-da inay gurigaasi ku qaadeen hawlgalkaasi markii ay heleen tibaaxo dhaqdhaqaaqyo ay ka shakiyeen.

Waxaanu ku qeexay ama uu ku tilmaamay “Gurigii jidhdilka” iyo goob dad bani’aadam ah lagu adoonsado.

Waxaanay ciidamada bileysku ay intaasi ku dareen in ay hawlgalkaasi ku soo qabqabteen sideed qof, badidoodu ay yihiin macalimiin goobtaasi haysatay, isla markaana  ay xabsiga soo dhigeen.

Dadka gurigan lagu haystay ayaa sheegay inay la jidhdili jiray isla markaana loo gaysan jiray gaboodfalo galmo, waxaanay tilmaamay inay goobtaasi ku macaluuleen oo ay sanado badan ay ku xidhnaayeen.

“Saddex bilood ayaan halkan ku qaatay aniga oo lugaha ka silsiladaysan,” ayuu yidhi Bell Hamza oo la hadlay warbaahinta Nigeria.

“Tani waa in ay ahaataa xarun Islaami ah, laakiin isku dayga in aad ka cararto halkan waxa ay soo jiidataa ciqaab daran; dadka ayay xidhaan oo saqafka sare ayay kugu soo xidhayaan.”

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.