Saylici Oo Kulan La Yeeshay Ganacsato Danaynaya Inay Somaliland Maalgashadaan

Dubai (HCTV) – Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Magaalada Dubai kulan kula yeeshay Ganacsato, kuwaasi oo la sheegay inay doonayaan inay Maalgashi ku samaystaan Somaliland.

Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed u qornaa sidan “Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo uu wehelinayo wakiilka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta, Amb. Muniir Cabdillaahi Abusite welina ku sugan Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa maalin-nimadii shalay ee jimcihii (27-09-2019) waxa Hotelka uu ka degan yahay Dubai ku soo booqday ganacsato waa weyn oo danaynaya inay maalgashadaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan Madaxweyne ku-xigeenku uu la qaatay ganacsatada ku soo booqatay hotelka uu degan yahay ayaa ujeedkiisu daaranaa sidii ay qayb uga noqon lahayaeen horumarka ballaadhan ee ka socda Dalka Somaliland gaar ahaan dhinaca maalgelinta iyo horumairnta dhaqaalaha dhan walba la xidhiidha.

Waxaanay ganacsatadaasi u soo bandhigeen Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland inay danaynayaan inay maalgelin ku sameeyaan dhinaca Beeraha, Dalxiiska, wershadaha iyo inay ka sameeyaan gudaha dalka Hotello waa weyn oo casri ah, maaddaama ay Somaliland noqotay meel maanta caalamku isha ku hayo oo uu danaynayo una tartamayaan ganacsatada waa weyn iyo dawladaha Adduunku.

Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmana Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ganacsatada uga mahadnaqay sida ay u danaynayaan Dalka Somaliland inay maalgelin ku sameeyaan ayaa ugu horayn ku marti-qaaday ganacsatadaasi inay dalka yimaaddaan oo ay soo indho indheeyaan horumarka iyo dedaallada maalgelineed ee ka jira dalka Jmahuuriyadda Somaliland, soona arkaan xeebaha dalka gaar ahaan Marsada Berbera oo iyadu wakhtigan hoggaanka u haysa horumarka ka socda dalka, lehna garoon diyaaradeed oo hadda uun farta laga qaaday ahna ka Afrika ugu weyn wakhtigan, loona isticmaali karo nooc kasta oo diyaarado ah Afrika inteeda kalena looga faa’iidayn karo dhinaca ganacsiga kaarkooga.

Gebegabadii kulankaasi waxa uu ku soo dhamaaday isfahan iyo xidhiidh wanaagsan oo dhexmara ganacsatadaa caalamiga ah iyo Jamhuuriyadda Somaliland..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka