Shirka Labaad Ee Golaha Dhexe Ee WADDANI Oo Burco Ka Furmay

Burco (HCTV) – Waxa Magaalada Burco ee Xarunta ee Gobolka Togdheer ka furmay Shirka labaad ee Golaha dhexe ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.

Shirkan oo uu furay Guddoomiyaha Xisbigaasi Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa waxa ka qayb-galay siyaasiyiin uu ka mid yahay Cali Khaliif Galaydh iyo Dhammaan Masuuliyiinta laamaha Xisbigaasi, marka laga reebo Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Xisigaasi, Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, kaasi oo Dalka dibeddiisa ku maqan.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Md. Cabdiraxmaan-Cirro oo hadal ka jeediyey furitaanka Shirka Golaha dhexe ayaa ka warramay Xaaladda Somaliland mararayso, isagoo si gaar ah u soo hadal-qaaday Jabhad ka jirta Bariga Somaliland iyo hadal-haynta Jabhad kale oo ka dilaacda Galbeedka Somaliland.

Shirkan oo Hal ku-dhegiisu yahay “Isku haynta Dadka iyo Dalka’ ayaa la filayaa inuu Axadda berri la soo gebogabeeyo.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka