Akhri: “Siyaasiyiintii Mucaaradku Waxay Xidheen Niqaam, Waayo..”? Ramaax

Burco (HCTV) – Xoghayaha xidhiidhka Gobollada ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) ayaa dhaliilay siyaasiyiinta Mucaaradka ah ee aan ka hadal dhaliilaha Xukuumadda talada haysa.

Ramaax oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Burco ayaa sheegay in Siyaasiyiinta Mucaaradka ahi xidhan yihiin waxa uu ugu yeedhay ‘Niqaam’ oo ay indhaha ka qarsanayaan inay sheegaan Dhaliilaha Xukuumadda.

Ramaax oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Wasiir Maxamed Kaahin ayaa yidhi waxaanu tebaynaa inaan Mucaarad jirin, meelaha qaarkood waan uga Marag-furayaa, Waayo? Siyaasiyiintii Mucaaradka ahayd waxaad mooddaa inay niqaam xidheen, Qofkii Xisbi Mucaarad ah ku jiray ee ka hadli lahaa dhaliilihii dawladda inay odayaal si Qabiil uga hadlaan, inay Gobolaysi kaga hadlaan, markaa waxaan leeyahay Qayb-baynu ka nahay inaynu gudan wayno doorkeenii Mucaaradnimo..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka