Sucuudiga Oo Albaabada U Furay Dalxiisayaasha Ajnabiga Ah

Riyadh, (HCTV) – Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday inay dalkeeda u ogoaanayso inay yimaadaan dalxiisayaasha caalamiga ah markii ugu horaysay taariikh dalkaasi, waxaanay balanqaaday inay dal ku galka ay siin doonaan dalxiisayaasha 49 dal.

Dalka Sucuudiga ayaan isagu hore u ogolayn in ajaaniibtu ay yimaadaan marka laga yimaado iyo yar oo shaqaale ah ama kuwo la siiyo fiisaha ganacsiga iyo xujayda xajka ku tagta magaalooyinka barakaysan ee Mekka iyo Medina.

Waxaana lagu sheegay war-saxaafadeed la soo saaray ka hor nidaamka fiisaha cusub ee la filayo in la dhaqan-galiyo habeenka Jimcaha in Barnaamijkan cusub ee dalka Sucuudi Carabiya uu soo dhaweynayo dalxiisayaasha ka baxsan ogolaanshaha fiisaha Xajka.

Isla markaana Boqortooyada Sucuudiga ayaa meesha ka saartay in wax shuruudo ah lagu soo rogo dharka ay xidhanayaan haweenka ajnabiga ah ee dalxiisa ku taga Sucuudiga, kuwaas oo aan algu khasbi doonin inay xidhaan Xijaab ama Cabaayad, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay dalka Sucuudiga.

Mudooyinkii u dambeeyey dalka Sucuudiga ayaa sameeyey isbadalo waaweyn oo ku saabsan dalkaasi oo ay ka mid yihiin in haweenka dalkaasi markii ugu horaysay loo ogolaaday inay gawaadhida kaxaysan karaan, iyo inay dalka Sucuudiga ka safri karaan iyagoo aan wadan wax Muxrim ah.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.