Hargeysa: Maxkamadda Rafcaanka Oo Xukun Ku Ridday Weriye Coldoon

Hargeysa (HCTV) – Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Maroodi-jeex ayaa Maanta 3 Sannadood oo xadhig ah ku xukuntay Weriye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon.

Weriye Cabdimaalik ayaa hore Maxkamadda Gobolku ugu xukuntay saddex sanadood oo Xadhig ah, laakiin waxa Rafcaan ka qaatay Looyarradiisa, laakiin Maxkamadda Rafcaanka ee ay Rafcaanka u qaateen ayaa iyaduna Maanta Maxkamadii hore ku raacday xukunkii ku ridday, waxayna Maxkamadda Rafcaankuna ku xukuntay Saddex sannadood oo Xadhig ah.

Weriyahan oo muddo dhowr bilood laga joogo laga soo xidhay Magaalada Burco ayaa eedaymaha loo haysto waxa ka mid ah in Qoraallo uu ku faafiyey Facebook uu ku aflagaadeeyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Qareennadiisa iyo ehelkiisa ayaa sheegay in xukunka dambe uu Weriyaha ku dhacay iyagoon la soo ogaysiin.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka