Raysal-wasaaraha Pakistan Oo Khatar Ku Galay Diyaarad Uu Leeyahay Dhaxal-sugaha Sucuudigu

New York (HCTV) – Raysal-wasaaraha Pakistan oo ka qayb-galay kulanka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa waxa hawada kula xumaatay diyaarad.

diyaaradda Raysal-wasaaraha Pakistan hawada kula xumaatay ayaa waxa la sheegay inuu ka sii amaanaystay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Maxamed Bin Salmaan oo diyaaradda cilladowday isagu leh.

Diyaaradda sidday Ra’iisal Wasaaraha Pakistan Imran Khan iyo Weftigiisa oo ka soo kicitintay Magaalada New York ayaa dib u noqotay markay hawada ku jirtay muddo 4 Saacadood ah, waxaana Wararka arrintan la xidhiidhaa sheegayaan in diyaaraddu Ciladdeeda la ogaaday markii ay ku dhawayd hawada Dalka Kanada.

Raysal-wasaaraha oo habeen kale ku dhaxay Huteel ku yaalla Magaalada New York ayaa la sheegay in diyaaradda xumaatay uu kas oo amaanaystay Maxamed Bin Salmaan oo uu ku soo maray magaalada Riyaad, balse markii hore Ra’iisal Wasaare khan wuxuu dalkiisa kaga soo dhoofay diyaarad Ganacsi, Riyaad ayuu soo maray oo dhaxal suguhu ku saaciday diyaarad khaas ah oo Maraykanka gaysa Raysal-Wasaare khan oo ka qayb galay Kulanka loo dhan yahay ee Qaramada.midoobay.

Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin waxa Cilladdu tahay, balse waxa Warbaahin uu ka mid yahay Telefiishanka Ruushka ee RT uu soo weriyey in Raysal-wasaaraha Pakistan uu khatar galay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka