Maraykanka Oo Ka Hadlay Weerar Al-shabaab Ku Qaadday Saldhig Ciidan

Muqdisho (HCTV) – “Askarina wax laguma yeelin Weerar Al-shabaab ku qaadday Saldhigga Balli-doogle” sidaa waxa sheegtay Safaaradda Dawladda Maraykanku ku leedahay Magaalada Muqdisho, taasi oo War ka soo saartay Weerar culus oo Al-shabaab ku qaadday Saldhigga Balli-doogle oo Qiyaastii 100KM u jira Magaalada Muqdisho.

Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Donald Yamamoto ayaa Cambaareeyay weerarka Al-shabaab ku qaadday Saldhigga Ciidammada Maraykanku ku leeyihiin Balli-doogle, laakiin wuxuu xaqiijiyey in Al-shabaab weerartay Saldhigga.

Safiirku wuxuu cambaareeyay Weerarka lagu qaaday Saldhigga Ballidoogle iyo Qarax lala beegsaday Kolonyo gaadiid ah oo ay siday Ciidamo Talyaani ah “Maraykanku wuxuu cambaaraynayaa weerarrada Maanta ka dhacay Balli-doogle iyo Muqdisho..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaanu bogaadinayaa Ciidammada Amniga ee Soomaaliya, kuwaasi oo ka hor-tagay Weerarkii Ciidammada Qaranka Soomaaliya (SNA) ee saldhiggoodu yahay Balli-doogle oo ah Gobolka shabeelaha Hoose..”

Al-shabaab waxay sheegtay in Saldhigga Balli-doogle ay uu xarun u yahay Ciidammada Maraykanka, laakiin Safiirka Maraykanka Soomaaliya ma soo hadal-qaadin in xilliga weerarku dhacay ay Ciidammo halkaa ka joogeen Maraykanka, waxaanu sheegay inay ku faraxsan yihiin inaan  Ciidanka Soomaaliya ee Saldhigga joogay aanay waxba ku noqonin weerarkaasi.

Al-shabaab ayaa weerarka oo Saaka dhacay ku bilowday laba Gaadhi oo ay Qarxisay, ka dibna waxa halkaa ka qarxay dagaal qadhaadh.

Al-shabaab ayaa sheegatay inay dishay illaa 100 Askari, burburisayna illaa 5 diyaaradood oo Saldhigga yaallay, laakiin arrintaa ma soo hadal-qaadin Safiirka Maraykanku.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka