Muqdisho: Kolonyo Siday Ciidamo Talyaani Ah Oo Qarax Lala Beegsaday

Muqdisho (HCTV) – Qarax ayaa Maanta Gelinkii hore lala beegsaday Gaadiid Kolonyo ah oo marayey Gudaha Magaalada Muqdisho.

Kolonyadan oo ay la socdeen Ciidamo la sheegay inay ahaayeen Talyaani ayaa Qarax xooggan lagula beegsaday Agagaarka Waddada Warshadaha ee Caasimadda Muqdisho, waxaana halkaa ka dhashay Khasaare.

Qaraxan oo loo malaynayo inuu yahay Miino Jidka lagu aasay ayaa qabsaday mid ka mid ah Gaadiidka Kolonyada ah.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Dad shacab ah oo ku dhawaa halka Qaraxu ka dhacay ay ku dhaawacmeen, inkasta oo aan la ogayin Ciidamadii Talyaaniga ahaa ee Gaadiidka la socday ay wax noqdeen iyo in kale.

Illaa hadda ma jirto Cid sheegatay Masuuliyadda Qaraxa lala beegsaday Gaadiidka siday Ciidammada la sheegay inay ahaayeen Talyaani.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka