Ujeeddada Diyaaradaha Maraykanku Duqaymaha Uga Geystaan Soomaaliya

Somalia (HCTV) – Millateriga Dawladda Maraykanka ayaa sheegay in Duqayn diyaaradeed ay ku dileen Dagaalamayaal ka mid ah Kooxda Al-shabaab.

Ciidammada Maraykanka ayaa sheegay in duqaynta diyaaraddu ka dhacday deegaanka Qunyo Barrow isla-markaana ku dileen dagaalemayaal ka mid ahaa Al-shabaab

War Qoraal ah oo ka soo baxay taliska Hawl-galka Maraykanka ee loo yaqaano Africom ee fadhigiisu yahay Jabuuti ayaa lagu sheegay in Hawl-galka duqaynta uu dhacay Salaasadii, iyadoo ay iska kaashadeen Ciidammada Maraykanka iyo kuwa Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Talisku wuxuu sheegay in hawl-galka aanay dhimasho iyo dhaawac midna ka soo gaadhin Dadka Shacabka ah.

Agaasimaha Hawl-gallada Africom, Major General William Gayler ayaa sheegay in hawl-gallada duqaynta ee ay geysanayaan Ciidammada Maraykanka ee Afrika culays lagu saarayo Kooxaha Argagixisada ah ee ay xulafada yihiin Al-qaacida.

William Gayler, oo hadalkiisa sii wataa wuxuu sheegay in duqaymaha ay Soomaaliya ka geystaan ujeeddadoodu tahay in socodka loo diido xubnaha Al-shabaab, laguna abuuro khalkhal, si loo taageero Dawladda Soomaaliya oo ay Maraykanka xulafo ku yihiin la dagaalanka Al-shabaab.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka