Hablo Arday Ahaa Oo Ku Geeriyooday Roobab Ka Da’ay Jabuuti (Akhri)

Jabuuti (HCTV) – Roobab Shalay illaa Xalay ka da’ayey Dalka Jabuuti ayaa laba Qof ku dhinteen.

Laba hablood oo la sheegay inay ahaayeen Arday ayaa Geeriyooday, ka dib markii laydh ku qabsaday Magaalada Jabuuti, sida ay xaqiijiyeen Ciidammada Booliska ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

Booliska oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Jabuuti ayaa sheegay in Roobka oo muddo dheer da’ayey uu sababay Laydhka waxyeelo soo gaadho, waxyeelladaasina sababtay inuu qabsado labada Hablood ee Ardayda ah.

Waxa jira khasaare fudud oo Roobabka muddada dheer da’ayey ka dhashay, sida Biyo badan oo fadhiistay meelo ka mid ah Faras-magaalaha Jabuuti.

Bishii u dambaysay Roobab xidhiidh ah ayaa ka da’ayey Dalalka Geeska Afrika, sida Somaliland iyo Jabuuti.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLIN-ka