Jabuuti Oo U Hanjabtay Guddoomiyaha UCID Ee Somaliland (Akhri)

Hargeysa (HCTV) – Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa si kulul uga jawaabtay eedaymo uu Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe u jeediyey Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Guddoomiyaha UCID oo Shalay Waraysi siiyey Telefiishanka HCTV ayaa Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ku eedeeyay inaanu dhexdhexaad ka ahayn Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, una xagliyo dhinaca Soomaaliya, sidaasi darteed aanay Somaliland diyaar u ahayn in Wada-hadallada Somaliland la yeelan doonto Soomaaliya lagu qabto Jabuuti.

Laakiin, Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti u jooga Somaliland, Xuseen Cumar Kawaaliye oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa ayaa sheegay inay Dawladda Somaliland ka sugayaan Jawaab ku aaddan hadalka Faysal Cali Waraabe “Faysal waxaan leeyahay, annagu waxaanu nahay Dawlad, Annaga waxay wax naga dhexeeyaan Madaxweynaha Somaliland, Xukuumadda Somaliland, shacabka Somaliland ayay wax ka dhexeeyaan, waxaana naga dhexeeya Walaalnimo qoto-dheer iyo xidhiidh qoto-dheer, hadday noqoto wada-shaqaynta iyo ka wada-tashiga Argagixisada, wixii la hal-maala Amniga iyo wax isku tarka..” ayuu yidhi, Safiirka Jabuuti u jooga Somaliland, waxaanu intaa ku daray “Aniga oo ku hadlaya Afka Dawladda Jabuuti waxaan leeyahay Annagu Xisbi lama sheekaysano, Xisbi wax naga dhexeeyaa ma jiro, ee Madaxweyne iyo Xukuumad ayay wax naga dhexeeyaan..”

Safiirka oo hadalka sii wata ayaa sheegay “Meel uu ka soo galo Xidhiidhka Jabuuti iyo Somaliland ugama banana, markaa Faysaloow haddaad Ismaaciil Cumar Geelle oo Madaxweyne u ah Soomaali, Soomaali meel ay joogtana u adeega, markaa Faysaloow Aflagaadaada uma dul-qaadanayno..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Anigoo u hadlaya si diblumaasi ah jawaabtaa waxaanu ka sugaynaa Madaxweynaha iyo Xukuumadda Somaliland..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka