Xisbiga UCID Oo Mar Kale Dhaliilo U Jeediyey Jabuuti, Xukuumadda Somaliland Baaq U Diray

Hargeysa, (HCTV) – Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Maxamuud Cali Saleeban (Ramaax), ayaa eedo u jeediyey dawladda Jabuuti, kaas oo sheegay in Jabuuti ay tahay cadowga Somaliland.

Sidoo kale Mr Ramaax waxa uu xukuumada Somaliland ugu baaqay inay mudo 24 saacadood ah gudahood ay dalka kaga saarto Safiirka dawlada Jabuuti u fadhiya Somaliland.

“Waad ogtihiin xuduudku xageena wuu ka furan yahay oo way soo gali karaan, iyaga hal gaadhi oo aynu leenahay ma gali karo, habarta khudradda ku beertay halka 40Km u jirta magaalada Jabuuti kuma galin karto magaceeda iyada oo xuduuda Somaliland ka galinaysa.

Dalka caynkaa inoola dhaqmaya, waxaanu leenahay xukuumada waajibaadkii ka saarnaa ilaalinta dadkeeda iyo dhaqaalaheeda may u saamixin, kalamanay hadlin, waxa ku haboon in cirka, dhulka iyo badda ka xidhno xabadda Kalluun ah ee Jabuuti laga cuno badda Somaliland ayaa laga qaadaa,” ayuu yidhi Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax).

Sidoo kale Xoghayaha Arimaha gudaha ee xisbiga UCID, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) ayaa waxa mar uu ka hadlayey dekeda Berbera iyo saamaynta ay Jabuuti ku yeelatay “Waxa uu la wareegay hadana isaga oo sifayaal ganacsi oo kale usoo maraya, maanta dekedii Berberi inay xidhanto ayay ku dhawdahay, boqolkiiba shan iyo afartan Koonteenaradu waxay soo maraan Jabuuti, isagoo u maray hab kale oo diblomaasiyadeed iyo qaybin uu qaybinayo dadka reer Somaliland. Anagu cadawgayaga koowaad ayaanu u aragnaa, haday xaga dhaqaalaha tahay, taa gudoomiyuhu ka hadlayna runtii waan ayidayaa,” ayuu yidhi Mr Ramaax, waxaanu intaasi ku daray oo uu xukuumada Somaliland ugu baaqay in 24 saacadood gudahood dalka lagaga saaro safiirka Jabuuti u fadhiya Somaliland.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.