Buur-Madow Oo Raalli-gelin Ka Bixiyey Eedaymo Uu Faysal Cali Waraabe U Jeediyey Madaxweynaha Jabuuti

Hargeysa (HCTV) – Boqor Cismaan Aw Muxumed (Buur-Madow) oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland ayaa Raalli-gelin ka bixiyey eedaymo uu Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID u jeediyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiyaha UCID oo Toddobaadkan la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in Madaxweynaha Jabuuti uu cadow u yahay Somaliland, sidaasi darteedna aanay diyaar u ahayn in Jabuuti lagu qabto Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, maaddaama buu yidhi uu Soomaaliya u xagliyo, Somaliland-na ka soo horjeedo.

Laakiin, Boqor Buur-madow oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay inuu Madaxweynaha Jabuuti Xaal iyo Raalli-gelin ka siinayo hadalka Faysal Cali Waraabe, kana xun yahay in isaga iyo Marwadiisa Khadra Maxamuud Xayd ay wax ka sheegaan Dad reer Somaliland.

Boqor Cismaan Aw Muxumed (Buur-madow) oo Telefiishanka HCTV uu waydiiyey Cidda uu Matalo marka uu Raalli-gelintan bixinayo, ayaa ku jawaabay inuu Matalo Faysal Cali Waraabe.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka