Maraykanka Oo Dib U Furay Dhismaha Safaaraddiisii Soomaaliya, 30 Sano Ka Dib

Muqdisho (HCTV) – Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inay Arbacadii Shalay dib u furtay Safaaraddeedii ku taallay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Safaaradda Maraykanku ku leeyahay Soomaaliya ayaa xidhnayd muddo ku dhow 30 Sanadood ah, waxaana la xidhay 1991-kii oo ay burburtay Dawladdii dhexe ee Soomaaliya.

Dawladda Maraykanka ayaa sannadkii 2013-kii aqoonsaday Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, laakiin illaa xilligaa waxay hawlaheeda diblumaasiyadeed ka wadday Dalka ay Soomaaliya jaarka yihiin ee Kenya.

“Maanta waxaanu soo celisay xidhiidhkii u dhexeeyay Shacabka Maraykanka iyo shacabka Soomaaliya iyo labadayada Qaran..” ayuu Qoraal ku sheegay Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Donald Yamamoto, waxaanu intaa ku daray “Waa maalin muhiim ah oo taariikhi ah, taasi oo muujinaysa horumarka ay Sanadihii u dambeeyay gaadhaysay Soomaaliya.”

Donald Yamamoto wuxuu sheegay in dib u furitaanka Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ay tahay Tallaabo kale oo Maraykanku hore ugu qaaday wanaajinta xidhiidhka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya.

Furitaanka Xafiiska Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho, ayaa imanaya toddobaad ka dib, markii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu xadhigga ka jaray Dhisme ay yeelan doonto Safaaradda Soomaaliya ee Washington.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka