Ciraaq: Mudaharaaddada Oo Sii Socda Iyo Dhimashada Oo Gaadhay 44

Ciraaq: Mudaharaaddada Oo Sii Socda Iyo Dhimashada Oo Gaadhay 44

Xuutiyiinta Yemen Oo Magaalo Dekedeeda Xudayda Iskaga Baxay
Laba Diyaaradood Oo Kuwa Dagaalka Ah Oo Ku Khasabay Diyaarad Rakaab Inay Dib Usoo Degto
Faahfaahin: Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxa Ka Dhacay Muqdisho Iyo Wararkii U Dambeeyay
Maqaal: Doorkii Ay Gashaantidu Ku Lahayd Dhaqanka Soomaalida !!
Ruushka: 14 Badd-Maax Oo Ku Dhintay Markab Gujis Ah

Ciraaq (HCTV) –  Magaalooyinka Dalka Ciraaq waxa ka sii socda Mudaharaadyo waaweyn oo ay dhigayaan Dad u badan dhallinyaro.

Mudaharaadayaasha oo ka cabanaya Shaqo la’aan, Musuqmaasuq iyo Adeeg xumo ka jirta Xarumaha Dawladdu maamusho, ayaa bilaabmay Salaasadii Toddobaadkii tagay, laakiin Jimcaha Maanta dib uga curtay Magaalada Baqdaad oo Bandoo lagu soo rogay Salaasadii Markii dibed-baxyadu bilaabmeen.

Ciidammada Amniga oo ay ku jiraan Millateriga Ciraaq ayaa iyagoo isku dayaya inay ka hor-tagaan Mudahaaradayaasha waxay rasaas nool ku rideen Dadka Mudaharaadaya, taasi oo keentay inay kor u kacdo Tirada dadka Geeriyooday inta dibed-baxyadani socdeen.

Wararkii u dambeeyay ee ka imanaya Ciraaq ayaa sheegaya in dhimashadu marayso illaa 44 Qof, kuwaasi oo ku naf waayay rasaas nool oo ay Ciidammada Amnigu ku rideen Mudaharaadayaasha, dhaawaca ayaa intaa aad uga badan marka la eego Dalka oo dhan, waxaanu ku dhow yahay 500.

Mudaharaaddadu waxa kale oo ay aad uga socdaan Magaalooyinka Koonfurta Ciraaq, sida Naasiriyah.

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

 

COMMENTS

%d bloggers like this: