Dawladda Somalia Oo Gaashaanka Ku Dhufatay In Dib Loo Dhigo Dhagaysiga Kiiska Badda

Muqdisho, (HCTV) – Raysal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahad Maxamed Guuleed oo hoggaaminaya  wafdi dowladda Soomaaliya u dirtay maxkamadda ICJ ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay aaminsan tahay maxkamada caalamiga ah si cadaalad ahna loogu garnoqo kiiska badda ee kala dhexeeya dalka Kenya.

“Dowladda Soomaaliya go’aankeedu waxa uu yahay inaanan aqbalayn wax ka badan 4ta November,kiiska maxkamada ayuu ku jiraa dowladda Kenyana waxay dooneysaa in muddo 12 bilood ah dib loo dhigo taasna iyada ayay jirtaa.”ayuu yidhi Guuleed.

Wuxuu inta ku daray  in dowladda Soomaaliya ay gudbisay qoraalkeeda diidmada ah, islamarkaana Kenya ay dhankeeda soo gudbisay in muddo 12 bilood ah lagu daro.

Doodda cusub ayaa timid markii maxkamadda dambiya caalamiga ah ee ICJ oo kiiska uu horyaal ay  u yeertay labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya iyadoo maanta dhagaysatay wakiillada ka socday dalka Kenya iyo Soomaaliya waxaana laga sugayaa maxkamadda ICJ in ay go’aan ka gaarto xilliga la dhagaysanayo dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.